DHAGEEYSO SHEEKH CALI DHEERE: Islaamku waa diin dhexdhexaadnimo iyo naxariiseed
Tuesday December 22, 2015 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Diinteenna Suubban ee
Islaamku waa diin dhexdhexaadnimo, waxayna ka digtay waxa kasta oo macnahaas ka
hor jeeda.
Qur’aanka ayaa meelo badan looga sheegay in diintan loo soo
dejiyay in ay nolosha u fududeyso dadka. Nabigeenna ayuu eebbe weyne ku
yiri: Waxaad naxariis u tahay caalamka. Waxa uu kaloo alle yiri waxaan idinka
dhignay ummad dhexdhexaad ah
Laakiin nasiib darro kooxo u nisba sheegta Islaamka, ayaa
suurad xumeynaya islaamka iyagoo magaca islaamka ku xasuuqayadad
aan dambi lahayn, kuna kacaya falal ay si cad u reebtay shareecada islaamku.
Barnaamijka Tubta Toosan ee toddobaadkan, waxaan ku gorfeyn doonnaa, sida ay diinta islaamku tahay diin dhexdhexaadnimo u u turta dadka maatida ah, waxaana marti noogu ah Sheikh Cali Maxamuud Sheikh Cali Dheere oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.
NO COMMENTS