CADDAABKII KUMA TAABTOO , JANNADII FARDOWS KU WAAR,1 SANO KADIB GEERIDII MARXUUM MAXAMED XASAN CALI MAAMOW

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Sanad kadib Geeridii Illaahay Janatul Fardows Haka Waraabiyee Marxuum Maxamed Xasan Cali Mamow , Nasiib Xumo Anigoon Intii Uu Noolaa Marxuumka Ifka Aan Ku Kulmin Lkn In Mudo Sanado Ah Aan Aaladaha La Isku Arko Iyo Telfoonka Ku Wada Xariiri Jirnay, ayaa saa Awgeed Waxaan Qalinka Uqaatay Inaan Wax Ka Qoro ,Shakhsiyadii Marxuum Maamow.

Maxamed Xasan Cali Maamow Alle Jannatul Fardowsa Haka Waraabiyee Waxa Kaliya Ee Aan Ka sheegi karo ayaa ah Waxaan ka dheehday hadaladiisa Iyo Aragtidiisa cadayd , Taasoo Ku Tusinaysa Inuu Ahaa ((Hogaan Caadil Ahaa ,Wadani Aan Mid Lamid ah uu yaraa ,Indheer Garad arki karayay wakhtigaas waxa ka imaan kara Caadooyinka & Dhaqamada Foosha Xun Ee Soomaalida si guud si gaar dadka koonfur galbeed oo asiga aad u jeclaa in ay umada yeelkooda ah wax la qeebsadaan oo ay ka baxaan maamul xumada iyo is nacaybka dhaxdooda ah )).

Si walba xaalka ha ahaadee maalinnimo Sabti ah taariikhda bishuna ay tahay 06/12/2014 ayaa halmar waxaa dal iyo dibad soo wada gaaray qaylo dhaan ah in gudoon geesi ah gablamay.

Geeridu kala qoob culuse, tiisu waxay Ahayd khasaare ummadeed ,Waa Geeridii Ay Bulshada Afka Maayga Ku Hadashaa Gaar Ahaan "Reegaayty"Ka Dhaheen “Geeriyeey Xishoodlaay Maxaad Geesi Gablan Ka Dhigtay“,Wuxuu Dhintay Alle Ha Unaxariistee 06 /12/2014 Maalin Sabti Ah , Isagoo Da'da Afartameeyada Ku dhax jiray, Waxaa lagu aasay Magaalada muqdisho.

Waxaa u sabab ahaa geeridiisa kadib safar uu kaga soo laabtay degmada buurhakaba oo markaa uu gaarsiiyay gargaar uu gacantiisa ugu qaybiyay wuxuuna ku soo wajahnaa magaalada muqdisho oo sida qorshaha uu ahaa ka qaadi rabay qalabyo hay'adaha gargaarka gaar ahaan Kuwa Turkida iyo NRC oo ayaga deeq dawo iyo nalal iyo qalab xafiiseed ugu taragalay in lagaarsiiyo degmada oo waqtiyadaa dhow loo doortay inuu mudo lix bil ah hogaanka uu haayo,Laakiin Wakhtigaa u dhimnaa umuu ogolaan inuu sii dhamaysto waxaana qaab daba gal ah lagu dilay asi iyo wiil istaafkiisa kamid ahaa inta u dhaxayso deegaanka leego iyo yaaq barawayne .

Waxaan Leeyahay , Qoys iyo qaraabo ka sokow,Marxuum Maamow dal jacaylka iyo wax u qabashada degmada buurhakaba oo aan wax hormar ah ka jirin oo wax rajo ahna haatanba dadkeeda qabin, wax garad iyo halyeey asi lamid ahna bulshadaas dhaxdeeda gabaabsiga ku ah ayaa maqnaanshihiisa u sii naafan doonto.

Saaxiibbadiisii gaar ahaaneed ka sokow, intii wax qabadkiisa haminayay ama gacantiisa koowaad ee gar gaar gaartay ayaa sannado Intan Ka Badan Usii Ilmayn Doonto , waa hubaal hamigiisa iyo naf huridiisa midna maanta lagama dhax haayo dadkaa u dhashay degmadaa.


Gun & Gebo-gebo Illaahay Ha Unaxariistee Maxamed Xasan Cali Maamow Wuxuu Taariikhda Ummada reer Koonfur Galbeed guud Ahaan gaar ahaan reer Buurhakaba Kaga Jiraa Baal Dahab Ah ,Waxaanan Dhalinyarada Degmadaasi Ugu Baaqayaa Inay Raacaan Jidkiisii Quruxda Badnaa Ee Toosnaa ,,,, Waxaanan leeyahay Qalinkii Gudoomiye Maamow Wax Lagaga Qoray Wali Wuu Yaalaa ,Page-ge kii Ama Bogagiina Way Banaanyihiin Ee Maxaan Ku Qornaa Oo Aan Uga Tagnaa Jiilkeena soo Kacaya Intaynaan Socdaalin ? oo aan u hayaamin halkii loo badnaa, waa hubaal ragu waa wada go'ayaa oo aakhiraa loo badanayaa lkn umada qofkii wanaag iyo wax u qabad kula dhax noolaado ayaa sharaf iyo cizi ku leh aduunyadan aakhirana daar sharafeedka fardows ka gali doono sida maamow cml insha allah.

Waxaa Qoray: Maxamed Aadan Cabdiladhiif

Wassalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS