Madaxweyne Xasan Sheekh: way adagtahay in si fudud loo dhiso maamul haddii aanan la helin kaalinta shacabka

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kulamo kula leh Maamulka Gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo kala hadlay xoojinta nabadda iyo dar-Dar galinta Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Gobolka Hiiraan u sheegay in ay adag tahay in si fudud loo sameeyo maamul ay dadku u Dhanyihiin hadaanan la helin shacabka Gobolka hiiraan kaalintooda.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar {Dabageed} ayaa sheegay dhankiisa in uu ka shaqayn doono nabadeenta Gobolka iyo Xoojinta Maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Muddo kooban ayay joogi doonaan Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Magaalada Baladweyn ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Xaladda Guud ee Magaalada Baladweyn ayaa lagu soo warramayaa inay daggan tahay isla markaana waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada la dhigay Ciidamo si gaarka u adkeeya ammaanka.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS