Warmoley
DHAGEEYSO SHEEKH CALI DHEERE: Islaamku waa diin dhexdhexaadnimo iyo naxariiseed

Diinteenna Suubban ee Islaamku waa diin dhexdhexaadnimo, waxayna ka digtay waxa kasta oo macnahaas ka hor jeeda.

Qur’aanka ayaa meelo badan looga sheegay in diintan loo soo dejiyay in ay nolosha u fududeyso dadka. Nabigeenna ayuu eebbe weyne ku yiri: Waxaad naxariis u tahay caalamka. Waxa uu kaloo alle yiri waxaan idinka dhignay ummad dhexdhexaad ah

Laakiin nasiib darro kooxo u nisba sheegta Islaamka, ayaa suurad xumeynaya islaamka iyagoo magaca islaamka ku xasuuqayadad aan dambi lahayn, kuna kacaya falal ay si cad u reebtay shareecada islaamku.

Barnaamijka Tubta Toosan ee toddobaadkan, waxaan ku gorfeyn doonnaa, sida ay diinta islaamku tahay diin dhexdhexaadnimo u u turta dadka maatida ah, waxaana marti noogu ah Sheikh Cali Maxamuud Sheikh Cali Dheere oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar