Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la-tashiyo ah ka wada magaaladda Beledweyn”Sawirro”

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Beledweyn. 22 December 2015- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa habeenkii labaad ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah.

Kulamadaan la-tashiyada ah ee uu sida gaar gaarka ah madaxweynuhu iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiran, Siyasiyiinta iyo bulshadda rayidka oo bilaawday saaka aroortii ayaa wali socda iyada oo ay guulo ku soo dhamaadeen kulamada dhacay.

La-tashiyadaan madaxweynaha uu ka wado magaaladda Beledweyn ayaa ah sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka ay dhisanayaan labada gobolka iyo in aysan gobolka Hiiran dib uga dhicin dagaalo sokeeye.

Shirka maamul dhisidda gobolladda Hiiran iyo iyo Shabelaha Dhexe ayaa todobaadka soo socda ka furmi doona magaaladda.

76654321

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS