Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Dhagax Dhigaya Xarumo Muhiim Ah Kuna Wajahan Hobyo

  Monday January 22, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Dhagax Dhigaya Xarumo Muhiim Ah Kuna Wajahan Hobyo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan degmada Cabudwaq ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta la filayaa in halkaasi uu ka dhagaxdhigo xarumo muhiim ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Cabudwaaq Muuse Maxamed Axmed ayaa Dalsan u sheegay in madaxweynaha uu inta u dhaxeysa xananbuure iyo Bangeelle uu ka dhagaxdhigi doono Saldhig ciidan iyo sidoo kale Xarumo dadka lagu dhaqanceliyo oo gaar u noqon doonta Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in haatan uu Cabudwaaq uu ka socdo diyaar garoowga ku aadan dhagaxdhiga Xarumahaas oo laga dhisayo meelo ka baxsan Magaalada.

Wararka kale ay Dalsan heleyso Maanta ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha oo socdaalkiisa siiwata uu Maant tegi doono Magaalo Xeebeedka Hobyo ee uu shalay ka baaqsaday.



NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS