Dibadbax balaaran oo maanta ka dhacay Jowhar+Sawirro

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Dibadbax lagu taageerayay go’aanki madaxweynaha ee ahaa in shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu qabto Jowhar ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Sh/Dhexe ee Jowhar.

Dibadbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeybgalay boqollaal dadweyne ah oo socod ku soo maray waddooyinka magaaladaasi, iyagoo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayaan taageeradooda ku aaddan in shirka lagu qabto magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/Dhexe iyo kan degmada Jowhar oo dibadbaxayaasha la hadlay ayaa sheegay iney taageersanyihiin dhismaha maamul loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo go’aanki madaxweynaha ee ahaa in Shirka maamul u sameynta labadaasi gobol lagu qabto Jowhar, caasimadda maamulkaasna ay noqono BuuloBarde.

Shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa si diirran u soo dhaweeyay in shirka maamul u sameynta labadaasi gobol lagu qabto Jowhar, iyagoo dareenkooda ku aaddan arrintaasina ku muujiyay dibadbaxa ay maanta ka oogeen magaaladaasi.

Wariyaha nooga soo warama gobolka Sh/Dhexe Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in bulshada reer Jowhar ay u diyaar garoobeen martigelinta Shirkaasi, iyagoo si wanaagsan uga shaqeeyay nadaafadda iyo bilicda magaalada, halka ammaankana aad loo adkeeyay.

banaban-tagero-1banaban-tagero-2banaban-tagero-3banaban-tagero-4banaban-tagero-5banaban-tagero-6banaban-tagero-7banaban-tagero-8banaban-tagero-9banaban-tagero-10

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS