Daawo Sawirada'' Sida Magaalada Gaalkacyo looga xusay Aas Aaska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed
Views: 4104
Wednesday April 13, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa maalintii shalay si weyn looga xusay 12-ka Abril oo ah sanad guuradii 56-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliyeed
Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Cbdirashid Xaashi Cartan ayaa munaasabadda ugu horeyn ka hadlay waxaana u hambalyo u diray dhammaanba Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta 21-aad ee Gobolka Muudg .
Ciidamada Qalabka Sida ayaa intii munaasabada socotay waxa ay socoda dheer kusoo mareen wadooyinka iyaga oo salaan sharaf siinayey Madaxda sare ee maamulka Galmudug .
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khudbad ka jeediyey munaasabadii xuska ayaa ugu horeyn hanbalyo u direy Ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxaana ay salaam u direen dhamaan ciidanka Qaranka waxaana ay sheegeen in ay wadaan dib u habayn lagu samaynaayo ciidanka Qaranka.
12-ka Abriil sannad walba ayaa Soomaaliya laga xusaa maalinta xoogga dalka, iyadoo sannadkan ay noqonayso 56-guuradii kasoo wareegay aasaaska ciidanka xoogga dalka, waxaana xusas kala duwan ay ka dhaceen guud ahaan dalka.










WAXAA IDIN SOO DIYARIYE
WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIRJOOKAR
NO COMMENTS