Kulan wax soo saarka dalka looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

  Friday December 25, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Xubna ka socday wasaaradda Beeraha iyo wakiilo ka kala socday maamul gobaleedyada dalka ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku kulan sanaa magaaladda Muqdisho kaasi ay ku diyaarinyeen qaab dhismeedka qorshaha sadaxda sano ee soo socda ee wax soo saarka beeraha wadanka.

Mas’uuliyiinta ka qeybgalay shirkaas ayaa si weyn u falanqeyay habka ugu macquulsan ee khayraad dalka looga faa’iideysan karo.

Wakiiladda ka socda maamuladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka go’antahay in laga wada shaqeeyo sare u qaadista wax soo saarka beeraha dalka.

Agaasiamaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud , ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta maamulada sida wanaagsan ay uga qeybgaleen kulanka ayna ku soo bandhigeen aragtidooda,waxuuna agaasimaha intaasi ku daray in gobal kasta wax soo saarkiisa ay wasaaradda ay kala shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile} ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay diyaar u tahay horumarinta wax soo saarka dalka iyo in umadda Soomaaliyeed la fahan siiyo kheyraadka wadankooda ku jiro.

Qorshahan sadaxda sano soo socda ee ah wax soo saarka dalka ayaa ah mid lagu doonaya sida loo kordhin lahaa wax soo saarka wadanka tasoo ah midda kaliya ee dalka kobaciisa dhaqaalaha door muuqda ka qaadan karto.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS