Abwaan Cabdi Dhuux oo si diiran loogu soo dhaweyay Muqdisho “SAWIRRO”

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maareeyaha golaha murtida iyo madaddaalada Qaranka Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib shirweyne looga hadlay dhaqanka iyo hidaha uu ka qayb galay dalka Ingiriiska.

Soo dhaweynta Maareeyaha Golaha Murtiga iyo Madaddaalada waxaa ka qayb qaatay fanaaniin, bar baarta gaashaamaan iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Maareeyaha Tiyaatarka qaranka ayaa sheegay in shirarkii looga hadlay horumarinta dhaqanka ee lagu qabtay dalka Ingiriiska ay Soomaaliya ku soo bandhigtay suugaan kala duwan oo ka turjumayo dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa booqday hooyga Siciid Xarawo oo uu uga soo tacsiyadeeyay geeridii ku timid xaaskiisa oo ku geeryootay magalaada Muqdisho dhawaan.

DSC09094DSC09095DSC09104DSC09110DSC09112DSC09115DSC09124DSC09127DSC09129DSC09136DSC09140DSC09149DSC09151DSC09153DSC09161DSC09171DSC09174DSC09176DSC09179DSC09190DSC09206DSC09210

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS