Soomaaliya iyo Soomaaliland oo heshiis ku gaaray dalka Turkiga
Thursday July 11, 2013 | PRINT THIS PAGE | SEND TO YOUR FRIEND |
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kani Torun oo aqriyay warmurtiyeedka ayaa shaaciyay labo qodob oo muhiim ah oo labada dhinac ay isla garteen.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay isku raaceen in gudi loo
magacaabo muranka maamulka hawadda Soomaaliya si xal looga gaaro, gudigaasi oo
fadhigiisa noqon doono Hargeysa.
Qodobka kale ayaa waxa uu ku sheegay safiirka inuu yahay in wada
hadalada iyadoo lasii ambaqaadayo dib la isugu soo laabto mudo 110 bari kadib.
Masuul u hadlay Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dadaal dheeri ay
bixiyeen shaqooyina ay qabteen,laakiin uu jiri doono kulamo kala duwan,kadib
wadatashi dhanka gudaha ah oo ay aadi doonaan labada dhinac.
Wasiirka ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar
oo isna hogaaminayay Wafdiga maamulkiisa ayaa sheegay in si labada dhinac wax
ay raali ka wada yihiin ay usoo baxaan ay sii wadi doonaan wada hadalka.
Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa wadahadaladooda umuuqda kuwa aan miro
dhal aheyn oo gacmo daalis ah maadaama shir waliba oo ay isugu yimaadaan labada
dhinac natiijadooda ay tahay mid yar.
NO COMMENTS