Warmoley
Soomaaliya iyo Soomaaliland oo heshiis ku gaaray dalka Turkiga
Soomaaliya iyo Soomaaliland oo heshiis ku gaaray dalka Turkiga Dowladda Turkiga ayaa faah-faahin ka bixisay qodobadii kasoo baxay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland uga socday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kani Torun oo aqriyay warmurtiyeedka ayaa shaaciyay labo qodob oo muhiim ah oo labada dhinac ay isla garteen.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay isku raaceen in gudi loo magacaabo muranka maamulka hawadda Soomaaliya si xal looga gaaro, gudigaasi oo fadhigiisa noqon doono Hargeysa.

Qodobka kale ayaa waxa uu ku sheegay safiirka inuu yahay in wada hadalada iyadoo lasii ambaqaadayo dib la isugu soo laabto mudo 110 bari kadib.

Masuul u hadlay Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dadaal dheeri ay bixiyeen shaqooyina ay qabteen,laakiin uu jiri doono kulamo kala duwan,kadib wadatashi dhanka gudaha ah oo ay aadi doonaan labada dhinac.

Wasiirka ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar oo isna hogaaminayay Wafdiga maamulkiisa ayaa sheegay in si labada dhinac wax ay raali ka wada yihiin ay usoo baxaan ay sii wadi doonaan wada hadalka.

Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa wadahadaladooda umuuqda kuwa aan miro dhal aheyn oo gacmo daalis ah maadaama shir waliba oo ay isugu yimaadaan labada dhinac natiijadooda ay tahay mid yar.