![]() |
Daawo Sawirada'' Sida Magaalada Gaalkacyo looga xusay Aas Aaska Ciidanka Xooga Soomaaliyeed
Wednesday April 13, 2016 - 14:39:43
![]() Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa maalintii shalay si weyn looga xusay 12-ka Abril oo ah sanad guuradii 56-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliyeed Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Cbdirashid Xaashi Cartan ayaa munaasabadda ugu horeyn ka hadlay waxaana u hambalyo u diray dhammaanba Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta 21-aad ee Gobolka Muudg . Ciidamada Qalabka Sida ayaa intii munaasabada socotay waxa ay socoda dheer kusoo mareen wadooyinka iyaga oo salaan sharaf siinayey Madaxda sare ee maamulka Galmudug . Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khudbad ka jeediyey munaasabadii xuska ayaa ugu horeyn hanbalyo u direy Ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxaana ay salaam u direen dhamaan ciidanka Qaranka waxaana ay sheegeen in ay wadaan dib u habayn lagu samaynaayo ciidanka Qaranka. 12-ka Abriil sannad walba ayaa Soomaaliya laga xusaa maalinta xoogga dalka, iyadoo sannadkan ay noqonayso 56-guuradii kasoo wareegay aasaaska ciidanka xoogga dalka, waxaana xusas kala duwan ay ka dhaceen guud ahaan dalka. ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() WAXAA IDIN SOO DIYARIYE
WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIRJOOKAR |