Dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud

  Saturday March 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maarso 12 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaankaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii shacabka deegaanka 00 is abaabulay ay weerareen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in Al-Shabaab ay maalmahan dhibaatooyin kala kulmayeen.

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Nabadsugida ayaa sheegaya in dagaalka lagu dilay afar ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u dulqaadan waayeen, dhibaatooyin Al-Shabaab ku hayeen, isla markaana dhowr jeer oo hore xoog uga qaatay xoolahooda.

Ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, hase ahaatee waxaa muddooyinkii u dambeeyay deegaano ka tirsan Mudug ka dhacay dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka, Ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS