Waxaa abaaro 2-duhurnimo oo dhiman qadar daqiiqado ah qarax xoogan uu ka dhacay laamiga mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Guriga Shaqaalaha iyo Hotelka Maka Al-Mukarama.

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaa abaaro 2-duhurnimo oo dhiman qadar daqiiqado ah qarax xoogan uu ka dhacay laamiga mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Guriga Shaqaalaha iyo Hotelka Maka Al-Mukarama.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa xoogan waxa uu ahaa, waxaana warka ugu badan uu yahay in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafka hore ee Carwada Al-Kowthar oo kutaala Laamiga Maka Al-Mukarama.

Inta la xaqiijiyay sadax qof ayaa ku dhintay qaraxaasi gaariga loo adeegsaday, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 7-qof uu ku jiro sarkaal katirsan Ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa sidoo kale bur bur gaarsiiyay goobo ganaci oo kuyaalay laamiga hareerihiisa, waxaana goobjoogayaal a ku warameen in ay qasaaro xoogan oo dhinaca maaliyada ah kasoo gaartay qaraxaasi goobo ganacsi.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib goobta soo gaaray, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano la xariira waxa uu ahaa qaraxa dhacay, waxa ayna sidoo kale Ciidamada u gurmadeen dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa uu ahaa iyo qasaaraha ka dhashay, sidoo kale ma jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi ka dhacay Laamiga Maka Al-Mukarama.

Qaraxan maanta ka dhacay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid dhawaqiisa si weyn looga maqlay Magaalada, goobta qaraxu ka dhacay ayaana aheyn goob ay ka dhaweed xarun ay leedahay Dowlada ama baro kale oo bartilmaameed noqon kara.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS