Shabaab oo laga saaray Tuulooyin ku yaalla galbeedka Magaalada Kismaayo

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Howlgal ay maanta qaadeen Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in la Gula wareegay deegaanno ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo.

5ka mid ah tuulooyin ku yaalla galbeedka Magaalada ayey ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM kala wareegeen kooxda Alshabaab, iyagoo soo bad-baadiyay ciidamada Gaadiid badan oo siyaabo kala duwan u heysteen Maleeshiyaadka alshabaab.

Tuulooyinka ugu badan ee uu dagaalku kadhacay ayaa kala ahaa Beerxaani, Qudus iyo Cabdi Dhoorre halkaas oo ay ka dheceen iska hor’imaadyadii ugu darnaa markii dambase kooxda laga saaray.

Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhaweeyay Howlgalladaan kooxda shabaab looga saarayo Deegaannadooda.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaa Howlgalladaan iyo sida ay u socdaan.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS