Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa oo loogu baaqay in ay il gaar ah ku eegaan qalalaasaha siyaasadeed ee Jabuti

  Tuesday January 26, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Janaayo 26 (Jowhar)-Midowga Africa iyo Qarmada midoobay ayaa loogu baaqay in ay ku cadaadiyaan dowlada Jabuti in ay ka joojiso caburinta iyo gacanta birta ah ee ay kala hortageyso mucaaradka, xilli wadankaas uu u diyaar garoobayo doorashooyinka madaxtinimada ee dhici doonta bisha April.

Urur xaruntiisu tahay Paris una dhaq dhaqaaqa arrimaha siyaasada iyo bulshada Africa ayaa warqad furan oo uu u diray Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa waxa ay walwal uga muujisay tallaabooyinka uu rajiimka madaxweyne Ismacil Cumar Gelle xoog ugu adeegsaday dhawaan taageerayaasha mucaaradka. Waxa kale oo ururku walaac ka muujinayaa go,aanka uu madaxweyne Gelle ku gaaray in markiisi afraad uu u tartamo xilka madaxweynaha.

Warqadaan ayaa waxa ay ka danbeysay kadib marki bishii December 21-keedii ay ciidamada amaanka dileen ilaa iyo 19 ruux oo u dabaaldagayey dhalashada Nabi Muxamed (NNKH), hase yeeshee oo ay dowladu ku sheegtay in ay ahaayeen dad qas wadayaal ah.

Dhawaan ayaa waxaa la ogaaday in mid ka mid ah dadka dhintay uu ahaa gabar lix sano jir aheyd, taasi oo dhimashadeedu uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibada Jabuti Mahamoud Ali Youssouf,oo wareysi siiyey Wakaalada wararka AFP.

Mucaaradka ayaa dhowr jeer ku eedeeyey madaxweyne Gelle kaligii talinimo iyo inuu caburiyo dimoqraadiyada, halka dadka taageera dowlada ay ku amaanaan madaxweyne Geelle nin wadani ah oo horumariyey dhaqaalaha iyo magaca dalka yare ee ku yaala geeska Africa ee Jabuuti.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS