Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo hakisay ciyaarihii ka socday Stadium Koonis

  Wednesday January 20, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Janaayo 20 (Jowhar)— Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu joojinayo ciyaarihii Kubadda Cagta ee ka socday Garoonka Stadium Koonis ee degmada C/casiis.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in la hakiyay ciyaarihii ka socday garoonkaas muddo aan la cayimin, kadib markii uu ku eedeeyay xiriirka kubadda cagta inay bilaabeen tikidho suuq madow ah oo lagu galo ciyaaraha.

Mr Dhuubow ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowladda ay wax ka ogaato qarashaadka soo gala garoonka, isagoo xusay inay ka war helaan in lacagaha ka soo xarooda garoonka ay jeebka ku shubtaan shaqsiyaad gaar ah.

“Ciyaaraha muddo aan cayimneyn ayaa hakinay, maxaa yeelay waxaa soo baxday in boonooyin suuq madow ah la bilaabay in garoonka lagu galo, shaqsiyaadka ka soo xaroodana ay shaqsiyaad ka tirsan xiriirka ay jeebka ku shubtaan, dhowr jeer ayaa ku talinay in Wasaaradda wax ka ogaato boonooyinkaas iyo inay noqdaan kuwo sharci ah, laakiin ma dhicin”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyada iyo Hanti dhowrka guud aanay waxba kala socon qarashaadka, isla markaana tikidhada lagu galo garoonka ay noqdeen kuwo si suuq madow lagu sameysto, isla markaana sharci daro ah, taasoo uu tilmaamay inay horay uga digeen.

Garoonka Koonis Stadium ayaa dhowaan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya dib u dayactir ku sameeyay, isla markaana la goglay cowska lagu ciyaaro garoomada Caalamka, iyadoo xilligan uu garoonka ka socdo Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya Heerkiisa koowaad.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku aadan amarkan ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo lagu mamnuucay ciyaarihii ka socday Garoonka Koonis Stadium.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS