DHAGEYSO Wasaaradda Diinta oo ka digtay Xuska Ciidda Kirismaska ” Dhageyso”

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay Xuska Munaasabadda Ciidda Kirismaska oo loo dabaaldago Bilowga Sanadwalba, Iyadoo ku amartay laamaha Ammaanka Dowladda inay ka hortagto isku Dayo lagu Abaabulayo Xuskaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow ayaa sheegay in Arrintaan haddii Umadda Soomaaliyeed ay sameeyaan ay waxbadan U dhimayso Caqiidadooda, isagoo soo jeediyay in laga feejignaado Arrimahaan.

Waxaa maalmo kooban inaga xiga bilashada Sanadka Cusub ee 2016’ka iyadoo Dadka aan muslimiinta ahayn ay sameeya dabaaldagyo loogu magacdaray Ciidda Kirismaska.

Halkaan kadhagayso Codka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS