Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Dawo iyo Qalab caafimaad gaarsiiyay Isbitalka Gaalkacyo+Sawirro

  Thursday December 24, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa ku wareejisay maamulka Isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug Dawooyin iyo qalab caafimaad waxana kulanka wareejinta goobjoog ka ahaa madaxda sare ee Isbitaalka iyo Mas’uuliyiin ka socotay Madaxtooyada Galmudug iyo Wasaarada Caafimaadka.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Gaalkacyo Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Isbitaalka uu aad ugu baahnaa daawooyinka maanta lasoo gaarsiiyay isla markana u mahad celinayaan dowlada Galmudug isagoo intaasi ku daray in qalabka loogu adeegi doono shacabka Galmudug ee Gaalkacyo.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug Maxamed Xasan ayaa dhankiisa halkaasi ka sheegay in dowlada Galmudug markasta hormarineyso isbitaalada Galmudug, isagoo sheegay inay dowlada Federaalka Soomaaliya soo gaarsiisay Wasaaradiisa Daawooyinka isla markaana dhankooda ku wareejiyeen goobaha Caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu daawooyinka iyo qalabka kale gaarsiin doono Isbitaalada kale ee ku yaala deegaanada Galmudug si halkaasi looga daboolo baahida dhanka Caafimaadka.

Si kastaba ha ahaatee, Dawooyin la gaarsiiyay Isbitaalka ugu weyn Gaalkacyo ayaa imaanaysa iyadoo Isbitaalka ay ka baxeen Hay’adihii Taakuleeyn jiray isla markana ay ku jiraan tiro dad ah oo ku dhaawacmay dagaalkii Gaalkacyo iyadoo dhanka kale uu Istibitaalka ka socdo Dayactirka kaddib markii uu saameyn ku yeeshay dagaalkii dhawaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

0fcfa381-c685-42df-a58b-0238b5d97762113e3b7f-30cf-4928-b9f0-831f0dc137a09398361e-6833-4a42-be32-6f0e2376fa31d86a8246-2c8a-4cfe-84f8-c09bfb60dfcb

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS