Xuska Dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Caabudwaq

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Munaasabaddaan oo ay soo qaban qaabiyeen Culimaa’udiinka Kunool Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud laguna xusayay Dhalashada Nabigeenna Muxamed Nabad galyo iyo Naxariis Dushiisa allaha yeelee waxaa ka qayb GalayMamulka Gobolka, Odayaasha Dhaqanka, Ardayda Waxbarata Haween, Ganacsato, Abwaanno iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa lagu qabtay degmada Caabudwaaq.

Dhammaan Culimaa’udiinkii munaasabadda ka hadlay ayaa Aad uga sheekeeyay sifooyinka Nabiga (NNKH) iyo Siirada Nabiga iyadoo dadka lafaray wanaagga iyo inay la yimaadan Tilmaamihii Suubaneheenna Muxamed Nabad iyo Naxariis Dushiisa allaha Yeelee.

Caawa ayaa dadku waxaa ay isugu imaan doonaan goob loo asteeyay in looga sheekeeyo siiradii Nabigeenna Muxamed (NNKH) waxaana dadku intooda badan ay caawa halkaasi ku qaadan doonaan waqti badan oo ay uga faa’iidaysan doonaan Sifooyinka Nabiga.

sanad walba maanta oo kale waxaa lagu qabtaa dalkeenna iyo dunida islaamka inteeda kaleXuska Munaasabadda Dhalashada Nabi Muxamed Nabad galyo iyo Naxariis Dushiisa allaha yeelee.

2

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS