IGAD oo ka digtay sii socoshada abaaraha bariga iyo bartamaha Afrika

  Thursday December 24, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 18 million oo ruux oo ku nool bariga Afrika ay hadda khatar ugu jiraan cuni yari ka dhalatay roobabkii Elnino ee dhowaan gobolka ka da’ay iyo khilaafaadka ka jira deegaanka.

Urur goboleedka bariga Afrika ee IGAD ayaa Arbacadii ka soo dhaafay soo saaray digniin ku aadan abaaraha daba dheeraaday ee saameeyay bariga iyo bartamaha Afrika ay suuragal tahay in ay sii socon karaan ugu yeraan sadexda bilood ee soo aadan.

Agaasimaha xarunta saadaasha iyo iyo ka falcelinta cilimada ee IGAD Guleid Artan ayaa sheegay in wadamada bariga Afrika ay heli karaan roobab hor leh balse aysan di’i doonin ilaa bisha Maarso .

“Abaarta waqooyiga waa ay soo socon doontaa ilaa xili roobaadka ka xiga laga gaarayo, halka roobabkii ka di’i jirey Kenya ay hoos u dhaceen kala bar laakiin tiro intaa ka badan ayaa ka di’i doonta koonfurta iyo galbeedka wadamada Kenya, Uganda iyo Tanzania gaar ahaan meelaha ku dhow dhow xerooyinka waa weyn,” ayuu yiri Artan.

El Niño, waa xaalad cilimeed , oo dhacda marka xeer kulka bartamaha iyo bariga badweynta Pacific ay noqoto mid ka diiramaad badan sida ay tahay marka caadiga ah, taas oo sababta in si dhaqso leh ay cilimada isu bedesho.

Saameynta El Niño ayaa laga dareemay bariga Afrika bishii Maay ee aynu ka soo gudbnay, waxaana ka jiray abaaro sida Ethiopia, Sudan iyo Somalia.

Abaarta gobolka ka jira ayaa saameysay Ethiopia, waxaana dowladda ay codsatay in la siiyo lacag dhan $1.1 billion si loogu caawiyo in ka badan 10 million oo ruux.

Wadamada Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka meesha ugu sareysay ugu jira meelaha ay abaarta saameysay.

Barnaamijka cunada ee qaramada midoobay u qaabilsan ee WFP gabar u hadashay oo lagu magacaabo Challis McDonough ayaa sheegtay in ay adag tahay in gargaar loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

Qiyaastii 300,000 oo qof oo ku nool bariga Afrika ayaa ka qaxay goobihii ay ku noolaayeen ka dib markii ay saameysay abaar.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS