Madaxweynaha oo Addis Ababa uga qeybgalaya Shir Madaxeedkii 26-aad ee Afrika+Sawirro – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Saturday January 30, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo balanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha.marka la gaaro sannadka 2020.

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kulamo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka.

12345678

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS