Beesha Caalamka oo ka fileyso Madaxda Soomaalida inay go’aan gaaraan ka hor 28-ka bishan

  Wednesday January 20, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Janaayo 20 (Jowhar)— Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay ka fileyso Hogaamiyeyaasha Soomaalida inay si deg deg ah u soo gudbiyaan go’aan wada jir ah oo ku saabsan hab doorasho la isku raacsan yahay oo sanadkan 2016 ka dhaca dalka, iyadoo aanay jiri doonin waqti kordhin loo sameeyo dowladda hada jirta.

Bayaan laga daabacay website-ka xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM, ayaa lagu sheegay in kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiye Jawaari shalay la yeesheen wakiilo ka socda QM, IGAD, Midwoga Yurub, Mareykanka, UK, Sweden iyo Italy ay hoosta kaga xariiqeen rajadooda ah in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay maalmaha soo socda soo gudbiyaan hanaan doorahso oo la isku raacsan yahay.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay filayaan qorshe howl fulineed iyo qariirad siyaasadeed loo dejiyo Soomaaliya 2016 illaa 2020, oo ay Hogaamiyeyaasha Soomaalida isku raaceen shirkii Madasha wada tashiga ee Muqdisho ka dhacay 16-kii December.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay nay soo dhoweeneyso wada-hadalladii Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya madaxda Soomaalida ee sii yaraanaya, marka ay timaado habka doorashada ee 2016.

“Waxa ay ahayd arrin wanaagsan in hogaamiyayaasha Soomaaliya ay dhowr maalmood ku bixiyeen ka hadalka habka ugu wanaagsan uguna habboon ee doorashada Soomaaliya ee sanadkan” ayaa lagu yiri bayaanka lagu qoray Website-ka Xafiiska Qatamada Midoobey ee Soomaaliya.

Beesha calamaka waxa ay sheegtay in inkasta oo ay ka niyad jabsan tahay inaan wax heshiis ah lagu gaarin Kismaayo, haddana ay soo dhoweyneyso in horumar laga sameeyey wada-hadallada.

Kulankii wakiilada caalamka ay la yeesheen hogaamiyayaasha dowladda federaalka Soomaaliya, waxa ay hoosta kaga xariiqeen inuusan jiri dooonin wax waqti ah oo loo kordhinayo hay’adaha dowladda ee iminka jira, sida golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqdaymadaxda Soomaalida inay danta qaranka wax walba ka hormariyaan.

Ugu dambeyn Bayaanka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Madaxda Soomaaliya ay ka fileyso inay gaaraan nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso ka hor kulanka golaha ammaanak QM ee dhacaya 28-ka January iyo kan Midowga Afrika ee Addis-Ababa oo maalmo kadib ku xiga.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS