Taliyaha Boliiska oo Shacabka ka Dalbaday inay kala shaqeeyaan Amniga – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ka codsaday shacabka inay gacan ku siiyaan xaqiijinta amniga, isla markaana mas’uuliyadda ka saran Nabadgelyada ay dhankooda ka qaataan.

Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka hadlayay Munaasabad xarigga looga jarayay saldhig Boliis oo laga hirgeliyay degmada Kaxda ayaa tilmaamay in Shacabka looga fadhiyo in Ciidamada ay gacan ku siiyaan xoojinta Nabadgelyada, si looga hortago cidkasta oo Amniga wax u dhimeysa, waxaana uu xusay in dhankooda ay har iyo habeen Diyaar u yihiin ka shaqeynta amniga.

Bushada Soomaaliyeed Waxaa waajib uu ka saaranyahay Adkeynta Amniga Deegaankooda iyagoo la shaqeynaya Ciidamada Bulshada ee Boliiska oo xilli walba u taagan Cawinta Bulshada iyo ka hortagga Amni Darrada Kooxaha Argagixisada ay la Damacsan yihiin Ummadda Soomaaliyeed

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS