Madaxweynaha: “Dhallinyarada waa udub dhexaadka horumarka waddanka, waana inay u midoobaan dib u dhiska Soomaaliya”

  Sunday December 20, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Muqdisho, 20 December, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo laba maalmood ah socday.

Madaxweynaha oo mid mid u gacanqaaday dhammaan dhalinyaradii ka soo qeybgashey shirkan oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka iyo dibedda, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay dhalinyarada kula dardaarmey inay xoogga saaraan kordhinta aqoonta, waddaninimada iyo midnimada.

“Waddankeena burbur ayuu soo maray, dhalinyaradana waxaa la yiraahdaa waxay ahaayeen kuwii dalkan lagu dumiyay. Maanta waxaa farxad ah in dhalinyaro badan ay isu taageen inay inay waddankan ka soo saaraaan burburka oo horumarkiisa ay ka shaqeeyaan’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in horumarka uu maalin walba ku tallaabsanayo waddanka ay dhalinyarada hormuud u yihiin, dowladduna ay ka shaqeyneyso sidii door weyn looga siin lahaa arrimaha kala duwan ee dalka sida amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo qeexaya istaraatiijiyada qaran ee horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.\

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS