Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo digniin u jeediyay dad sheeganaya inay leeyihiin Dhulka Dowladda – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan degmada Beledweyne ay yihiin dad jecel Nabadda, waxaana uu ka digay dadka iibsanaya dhulalkii ay lahayd dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” ayaa sheegay in ay jiraan dad sheeganaya Warqado been abuur ah inay ku iibsadeen Dhulalkii dowladda hasa yeeshee waxaa uga digay in ay Arrimahaas ka waan toobaan.

Dhawaanahaan Waxaa soo baxayay dad sheeganaya in ay heystaan warqado ay sheegayaa inay ku iibsadeen Dhulal ay leedahay dowladda sidaasna uga sii Iibinaya dadka kale, waxaana jirtay tan iyo xilligaas digniin maamulka Gobolka Hiiraan uu u jeedinayay dadka sidaas ah.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS