Shirkii Kismaayo oo aan wali is-afgarad lagu gaarin iyo Madaxda oo lagu wado in maanta ka soo tagaan

  Saturday January 16, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Janaayo 16 (Jowhar)— Shirkii Madasha wada tashiga qaran ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada KIsmaayo ayaa soo xirmay, iyadoo Madaxdii Soomaalida ku gaarin is af-garad, kadib markii labadii cisho ee u dambeysay lahaayeen kulamo wada tashi ah oo looga hadlayay nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ayaa wali ku kala aragti duwan habka lagu soo xulayo Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka sare iyo Aqalka hoose, waxaana muuqata in Madaxda ay maanta ka soo ambabixi doonaan magaalada Kismaayo, iyagoo aanay soo bixin natiijo rasmi ah.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in wali Madaxda ay ku kala tagsan yihiin fikradahooda kala duwan, sida in Baarlamaanka lagu soo xulo qaab deegaan iyo in lagu saleeyo nidaamka 4.5.

Sidoo kale arrinta kale ee xusida mudan ayaa in aqalka sare ee odayaasha xulistooda lagu saleeyo 18-kii Gobol, waxaana dhinacyada wata fikradaha kale ay qabaan in lagu xulo tiro isla eg oo loo dhan yahay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in war murtiyeedka uu gadaal ka soo baxo, inkastoo aanay wali muuqan wax heshiis lagu yahay, marka la eego sida ay u kala aragti duwan yihiin Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb gashay.

Xaflad casho sharaf aheyd oo u muuqatay mid sagootin ah ayaa xalay ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Jubbaland, waxaana munaasabadaas casha sharafta ah soo qaban qaabiyay Maamulka Jubbaland, inkastoo aanay Madaxda wax khudbad ah ka jeedin casha sharafta.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS