Xaaladda Magaallada Beledweyne oo Wali Kacsan

  Monday December 14, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Xaaladda magaallada Beledweyne ee xarunta Hiiraan ayaan dagganayn ayadoo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo oo ka dhacay shalay iyo xalay.

Dadka degaanka ayaa ku warramaya in xalay dagaal uu xaafadda Howl-Wadaag ku dhex maray labada maleeshiyo beeleed, ayadoo ay ku dhaawacmeen 11 qof.

Sidoo kale dagaalkii shalay dhacay waxaa ku dhaawacmay 29 qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadku.

Goob-joogeyaal ayaa sheegaya in gurmad uu dhinaca miyiga uga imaanayo maleeshiyaadka dagaallamaya.

Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa wada dhaqdhaqaaq ay ku hakinayaan dagaalkan.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS