Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 07, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Marwada koowaad ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeq qalab dhisme ahgaarsiisay xarunta wasaradda Howlaha guud oo hadda dhismaheedu ka socdo Muqdisho.

Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Qamar Cali Cumar ayaa deeqda ay gaarsiisay xarunta wasaaradda howlaha guud waxa ay ka koobneyd Shamiindo, Alwaax, biraha guryaha lagu shubo iyo Jaay, iyadoowakiillo ka socday Marwada ay ku wareejiyeen Wasiirka wasaraddaasi Eng. Saalax Sh. Cismaan asigoo wasiirku ka warbixiyey halka
uu maraayo dhismaha wasaaradda oo socday maalmihii la soo dhafey.

Dr. Maryan Maxamed Xuseen oo aheyd wakiilka Marwada koowaad ee Madaxweynaha Dalka
Qamar Cali Cumar ayaa ka warbixisay kaalmada qalabka dhimaha ah eeay Marwo Qamar ugu deeqday wasaradda howlaha guud iyadoo xustay in kaalmadani qeyb ka tahay tabarucaadda lagu dhisayo xarunta wasaaraddaasi.

Eng. Saalax Sh. Cismaan wasiirka wasaaradda Howlaha guud, dib u Dhiska iyo guriyeeynta oo guddoomay qalabkaasi ayaa ugamahadceliyey Marwada Koobaad ee Madaxweynaha Soomaliya Qamar Cali
Cumar sida ay hormuudka ugu noqotay gacan ka geysashada dib udhiska xaruntii wasaradda howlaha guud, isagoo sheegayin qalabkani uu fududeeyey dhismihiiwasaradda oo agab la’aan u fadhiyey, wuxuunaugubaaqay bulshada Soomaaliyeed ee kala joogta dalka iyo dibadda iney ka qeybqataan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaakal hore ku dhawaaqey in si wada jir ah looga qeyb qaato mashruuca dalkaaga dhiso, waxana loogafadhiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iney si waddaniyad leh uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS