Marwda Koowaad ee Madaxweynaha oo qalab dhismo ugu deeqday xarunta wasaaradda howlaha guud – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Thursday January 07, 2016 - 20:30:57
Marwada koowaad ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa deeq qalab dhisme ahgaarsiisay xarunta wasaradda Howlaha guud oo hadda dhismaheedu ka socdo Muqdisho. Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Qamar Cali Cumar ayaa deeqda ay gaarsiisay xarunta wasaaradda howlaha guud waxa ay ka koobneyd Shamiindo, Alwaax, biraha guryaha lagu shubo iyo Jaay, iyadoowakiillo ka socday Marwada ay ku wareejiyeen Wasiirka wasaraddaasi Eng. Saalax Sh. Cismaan asigoo wasiirku ka warbixiyey halka Dr. Maryan Maxamed Xuseen oo aheyd wakiilka Marwada koowaad ee Madaxweynaha Dalka Eng. Saalax Sh. Cismaan wasiirka wasaaradda Howlaha guud, dib u Dhiska iyo guriyeeynta oo guddoomay qalabkaasi ayaa ugamahadceliyey Marwada Koobaad ee Madaxweynaha Soomaliya Qamar Cali Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaakal hore ku dhawaaqey in si wada jir ah looga qeyb qaato mashruuca dalkaaga dhiso, waxana loogafadhiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iney si waddaniyad leh uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar |