QEEXID GUUD: YUUSUF GARAAD SHALAY!!

  Wednesday July 10, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
QEEXID GUUD: YUUSUF GARAAD SHALAY!! Marka hore waxaan salaan qiimo badan salaamayaa Yuusuf Garaad & Aqristayaasha qiimaha leh, ASC/W/W Dhamaan-tiinba waan idin wada salaamay, Bacda salaan, Qormadani ma’ ahan mid aan wax ugu dhimayo walaalkay yusuuf, laakiin waa mid aan ku Qeexayo guud ahaan Yusuf Shalay, Yusuf Maanta,& Yuusuf Beri. Waana sadex qormo lasoco qormada xigto

YUUSUF GARAAD, SHALAY

(Xasuuqii -Baydhabo) Qof walboo Somaali ah hadii uu dib u xasuusto dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo, waxaa loogu magac daray Magaaladii Dhimashada ama Madiinatul- moowd,ama Magaaladii Geerida, Baydhabo waxaa ka dhacay dhibaato ay Dunidoo idil ay ka wada xumaatay dhibkii gaaray Baydhabo, Dadkii deganaa Magaalada Baydhabo Waxaa ku habsatay Musiibo culus, waxaana lagu qiyaasaa Dadkii ku nafwaayay ilaa Rubuc Malyuun.

Musiibadaani waxaa sababteeda lahaa Dagaalkii Xarig jiidka ahaa ee u dhaxeeyayHawiyaha &Daaroodka, xarig jiidkaas ayaa Dadkii Bay & Bakool Deganaa ay ku dhamaadeen iyaga & xoolahoodii ba,waxaana dhac, Dil & Booba ka simay jabhadihii Hawiye & kuwii Daaroodka, dhibaato baaxad leh ayaa ka dhacday ee noqotay musiibo aan la ilaawi Karin abid.

29 N ovember 1992 Qaramada midoobay ayaa kal fadhi aan caadi ahayn isugu yimid,fadhigaasi waxaa ka soo baxay Qaraar Tirsigiisu ahaa( S/24868),794in Somaaliya loo gurmado lana bad-baadiyo Dadka Somaaliyeed Qaastan Dadka ku nool Magaalaadii Dhimashada ama Madiinatul moowd, waa Baydhabee.

Dowlada Maraykan ayaa Qaraarkaasi ugu horeeysay ee ogolaatay in Dadka wax laga bad-baadiyo3DEC/1992ayaa lasameeyay Barnaamijkii ugu horeeray ee dadka wax loogu qabanaayay waxaana loogu magac daray Barnaamijka Rajo soo Celinta somaaliya (Operation Restore Hope)

4 Dec 1992ayaa indhaha caalamka ay marqura usoo wada jeesteen,Madax badan oo caalamka ka tirsan ayaa ka hadlay arimaha Somaaliya waxaana ka mid ahaa madax weynahii hore ee Maryanka George Bush, ayaa siliveah uga hadlay dhibaatada Somaaliya qaastan tan Baydhabo ka taagan, isagoo si Live Uga soo jeediyay qudbad somaliaya dhibaatadeeda ku saabsan TV CNN, waad ooy-naysaa markaad daawato qudbadaasi uu bush jeediyay iyo sida uu xaalku xiligaasi ahaa, Buush waxa uu yiri Dadka dhibaataysan hadii aan udirno raashin inta uusan gaarin ayaa waxaa wada ugala kooxo hubaysan oo leexsado Raashinka, Kooxahaasi Hubaysan dadka dhibaataysan dhimashadoodana kama naxaan, waa in ay Dunidu ay gaarsiisaa dadkaas ay gaajadu ay ku laynayso Baydhabo Halkaan ka daawo qudbadii bushhttp://www.youtube.com/watch?v=EO8R4ViE2Yc

31 Dec 1992 Madaxweyne Bush ayaa booqasho ku yimid Somaaliya isagoo dabaal daga sanadkii 1993 ku qaatay magaalada Baydhabo , Baydhabo ayuu Sanadku cusbaa ugu dhashay.

Baydhabo waxay ka soo kabtay diiftii iyo dhibaatii ka soo gaartay Dagaaladii udhaxeeyay Hawiyaha & Daaroodka, nasiib daro, March 1995 Ciidamdii kasocday Qaramadmidoobay way isaga baxeen Somaaliya.

Bartamihii 1995 Magaalada baydhabo waxay ku soo noqotay gacantiii jabhadii SNA/USC uu hogaaminayay Caydiid dhibaatadii ayaa dib ugu soo laabatay Magaalada Baydhabo iyadoo aan weli si wanagasan uga soo kaban dhibataadii hore ee ku dhacday.

Janaraal Caydiid inta aanuu qabsan Baydhabo ayuu habeen isagoo kaarto dejinaayo una qudbeeynaayo horjoogayaashiisa Dagaalka ayuu u sheegay in uu duulaan ku yahay Gobolada Bay,Bakool iyo Gedo, uuna ka bilaabi doono Magaalada Baydhabo.

Markuu waagu baryayna Janaraal Caydiid waxaa loo sheegay in Baydhabo la qabtay, waxaa uu yiri yaa qabtay ??? waxa loogu jawaabay waxaa qabtay mujaahiiidnaBeesha Ceyrayaa qabtay !!!!! oo xalay faqaagii ama showrkaadii ee aad kaga hadlaysay kaartada bay ayay maqlayeen isla xalayba way ku duuleen, wixii magaalada yaalayna way soo qateen Dad iyo Duunyaba way furteen,

Ceydiid waa uu qayliyay waxaa uu yiri war yaa usheegay Ceyr in aan ku duulayno Baydhabo, isagoo layaaban ayuu Badhabo tagay.

War iyo dhamaan baydhabo waxay hadana dib ugu noqotay ceelkii ay ka soo baxday ee ay Dunidu ka soo saartay , xaalku waa Bariga Dhexe dadkii waxay noqdeen qaar la dhaco qaar lakufsado qaar la dilo, waa bas iyo baa ba’ halaag aan caadi ahayn ayaa ka dhacay markale Baydhabo.

Hadal haynta ugu badan waxay ahayd dhibaata dadka haysatay ee boobka iyo dhaca iyo dilka ay ku hayeen dadkii ku soo duulay qaasatan beesha Ceyr, waxaana u sii dheeraa dhibaato kale oo rabaani ah waxaa ka dilaacay magaalada CudurkaCagaariyoowgaama (Jaundice)Cagaarishowgaoo faro ba’n dadka ku hayay qofkii Geeriyoodaba waxaa loo qiyaasayay in uu udhintay Cagaariyoow ama Cery ay dileen labadaa Cudur ayaa dadku wel-wel ku hayay, ee kala ahaaCery & Cagaarishowoo laga wada ducaysanjiray marka aad masaajidada Baydhabo gasho waxaa lagu duceeysan jiray ILaahayoow waxaan kaa magan galnayCeyr iyo Cagaarishowoo ahaa labo dilaa qof walbana uu ka duceeysanjiray.

Iyadoo lawada Sugayay warka BBC da ayaa waxaa lagaraaray 5:00 galanimo ayaaBBC Somaliwarkeedii soo galay ee arinta Baydhabo qabsashadeeda iyo dhibaatada ka dhacaday in lagu soo qaadanayo ayay dadka oo dhan wada sugayeen, Nasiib daro cid ka hadashay haba yaraatee majirin, warka BBC markuu dhamaad ku dhawaa ayaa waxaa la yiri war hada nasoo gaaray ciidamado USC/SNA ayaa gacanta ku dhigay Magaalada Baydhabo, iyadoo uusan wax dhiig ah uusan ku daadan ayay la wareegeen Magaalada Baydhabo waxaana loo magacaabay Magaalada maamul cusub.

waa goor intii la Dili karo la Dilay intii la kufsan karo la kufsaday, lakiin sida warka loo dhigay ama loo aqriyay waxa uu ahaa war cusub oo hada soo dhacay in magaalada hada laqabsadayna laga dhigay, qabsashada Baydhabo iyo xasuuqeedaba waxaa ka soo wareegtay 18 saacadood in ka badan.

Dadkii dhagaysanaayay BBC Afka ayay gacanta wada saarteen,sida yaabka leh ee uu Tifatireyuusuf GaraadDagaalka u farsameeyay waa arin mucjiso dadka oo dhan kuwada noqotay Galabkaas.

Talyaanigu waxaa uu yiraahdaa propaganda mesa wera Dicaayadu waa Dagaalka barkiis waxaa galabkaasi loo wada qiray Yuusuf Garaad in uu Dagaal kaasi uu qayb ka ahaa, xasuuqaas dhacayna uu qariyay, uuna ogaa ugu yaraana raalina ka ahaa isagoo awooda BBC gacanta ay ugu jirtay, barnaamijkaas weli gacanta ayaa lagu hayaa oo waqtiga ayaa la suganayaa haduu rabi idmo.

Aqristoow Dadka Reer Baydhabo masaajida ayay ku soo urureen iyagoo musibadaan cusub ee Beesha Ceyr ee garab cad ka heshay BBC uuna sababtaas lahaa Yuusuf Garaad.

Yuusuf dadkii lagu laayay Bay & bakool waa uu qariyay waana dad Somaaliyeed ee muslimiin ah, isaga oo soo diyaariyay qoraalo iyo faalooyin iyo warar Been abuur ah oo habaysan, qofkii dhagastana uu ku qancaayo lakiin xaqiidu sidaas ma’ahan ee inta wax fahanto way ka dharagsanyihiin in uu qayb ka ahaa dhulboobkii burburkii iyo dhibkii shalay dhacay

Barnaamijyadii ugu yaabka badnaa adib xasuuso aqristoow dagaalkii udhaxeeyay Maxkamada iyo Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxa uu ka ahaa ninka kaliya ee sida cad udagaalamay wuuna ka qayb galay si toos ah intii fahantay way fahantay

Dadka Gobolka shabeelada hoose dulmigii indhacde ee xasuuqa shacabka shebeelada hoose wuu ka qaybqaatay wuxuuna garab ku siiyay in uu gobolkaas xoog kujoogo indhace ee beeshiisa ah,Garab buuna ku siiyay waad wada ogtihiin sida cilmiyaysan ee uu ugu xaaray Gobolka Shabeelada hoose.

Dowladii Ra isul wasaare Farmaajo waxa uu ku qaaday dagaal aan caadi ahayn xili Farmaajo albaabka xafiiskiisu ay fadhiyeen AL-shabaab lakiin yuusuf dagaal joogto ah ayuu ku hayay Dowladii Farmaajo.

Dowladihii soo maray somaaliya waxa uu ku qaaday dagaal saxaafadeed Dowladii Cali Geedi, Tii Omar Abdi rashiid, Tii ugu danbeeysay ee Midnimo Qaran ee Cabdi wali waxa uu ku qaaday weerar cir iyo dhul ah isagoo farsamooyin badan lagalay dagaal saxaafadeedna ku riday.

Yuusuf wixii dhib ka dhacay somaaliya waxa uu ka ahaa Afku dhiigle oo si yaab leh ayuu ugu jiray inta uulul cilmiga ahna way fahimi karaan.

Shalay yuusuf sidaas ayuu ahaa oo dhibkii dhacay qayb weyn ayuu ka ahaa isagoo adeegsanaya qaab farsameedkiisa lakiin inta barnaamijyadaas habaysan fahmi karto ayaa aad uyareeyd xiligaasi, wararkaasi been abuurka ah yuusuf ayaa soo diyaariyay.Yuusuf shalay sidaas ayuu ahaa xasuuqyadii Bay,Shabeelaha Hoose.Muqdisho intaba wuu ka qaybqaatay si toos iyo si dadbanba

Yuusuf shalay sidaas ayuu ahaa Maanta waa sidee xaalkiisa la soco qormada xigto aan ku lafa guridoonoYuusuf Garaad maantala socosho wacan

W/Q H,A,MOHAMED adkeeste@hotmail.com

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS