QEEXID GUUD: YUUSUF GARAAD SHALAY!!
Wednesday July 10, 2013 - 18:59:21
YUUSUF GARAAD, SHALAY (Xasuuqii -Baydhabo) Qof walboo Somaali ah hadii uu dib u
xasuusto dhibaatadii ka dhacday Magaalada Baydhabo, waxaa loogu magac
daray Magaaladii Dhimashada ama Madiinatul- moowd,ama Magaaladii Geerida,
Baydhabo waxaa ka dhacay dhibaato ay Dunidoo idil ay ka
wada xumaatay dhibkii gaaray Baydhabo, Dadkii deganaa Magaalada
Baydhabo Waxaa ku habsatay Musiibo culus, waxaana lagu
qiyaasaa Dadkii ku nafwaayay ilaa Rubuc Malyuun. Musiibadaani waxaa sababteeda lahaa Dagaalkii Xarig jiidka ahaa ee
u dhaxeeyayHawiyaha &Daaroodka, xarig
jiidkaas ayaa Dadkii Bay & Bakool Deganaa ay ku
dhamaadeen iyaga & xoolahoodii ba,waxaana dhac, Dil & Booba
ka simay jabhadihii Hawiye & kuwii Daaroodka, dhibaato
baaxad leh ayaa ka dhacday ee noqotay musiibo aan la ilaawi Karin abid. 29 N ovember 1992 Qaramada midoobay ayaa kal
fadhi aan caadi ahayn isugu yimid,fadhigaasi waxaa ka soo baxay Qaraar
Tirsigiisu ahaa( S/24868),794in Somaaliya loo gurmado
lana bad-baadiyo Dadka Somaaliyeed Qaastan Dadka ku nool
Magaalaadii Dhimashada ama Madiinatul moowd, waa Baydhabee. Dowlada Maraykan ayaa Qaraarkaasi ugu horeeysay ee ogolaatay in
Dadka wax laga bad-baadiyo3DEC/1992ayaa lasameeyay
Barnaamijkii ugu horeeray ee dadka wax loogu qabanaayay waxaana loogu magac
daray Barnaamijka Rajo soo Celinta somaaliya (Operation Restore
Hope) 4 Dec 1992ayaa indhaha
caalamka ay marqura usoo wada jeesteen,Madax badan oo caalamka ka tirsan ayaa
ka hadlay arimaha Somaaliya waxaana ka mid ahaa madax weynahii hore ee
Maryanka George Bush, ayaa siliveah
uga hadlay dhibaatada Somaaliya qaastan tan Baydhabo ka taagan, isagoo si
Live Uga soo jeediyay qudbad somaliaya dhibaatadeeda ku saabsan TV CNN, waad
ooy-naysaa markaad daawato qudbadaasi uu bush jeediyay iyo sida uu xaalku
xiligaasi ahaa, Buush waxa uu yiri Dadka dhibaataysan hadii aan udirno raashin
inta uusan gaarin ayaa waxaa wada ugala kooxo hubaysan oo leexsado
Raashinka, Kooxahaasi Hubaysan dadka dhibaataysan dhimashadoodana
kama naxaan, waa in ay Dunidu ay gaarsiisaa dadkaas ay gaajadu ay ku
laynayso Baydhabo Halkaan ka daawo qudbadii bushhttp://www.youtube.com/watch?v=EO8R4ViE2Yc 31 Dec 1992 Madaxweyne Bush ayaa booqasho
ku yimid Somaaliya isagoo dabaal daga sanadkii 1993 ku
qaatay magaalada Baydhabo , Baydhabo ayuu Sanadku cusbaa ugu
dhashay. Baydhabo waxay ka soo kabtay diiftii iyo dhibaatii ka soo gaartay
Dagaaladii udhaxeeyay Hawiyaha & Daaroodka, nasiib daro, March 1995
Ciidamdii kasocday Qaramadmidoobay way isaga baxeen Somaaliya. Bartamihii 1995 Magaalada baydhabo waxay ku soo noqotay gacantiii
jabhadii SNA/USC uu hogaaminayay Caydiid dhibaatadii ayaa dib ugu soo laabatay
Magaalada Baydhabo iyadoo aan weli si wanagasan uga soo kaban dhibataadii
hore ee ku dhacday. Janaraal Caydiid inta aanuu qabsan Baydhabo ayuu habeen isagoo kaarto
dejinaayo una qudbeeynaayo horjoogayaashiisa Dagaalka ayuu u sheegay
in uu duulaan ku yahay Gobolada Bay,Bakool iyo Gedo, uuna ka bilaabi doono
Magaalada Baydhabo. Markuu waagu baryayna Janaraal Caydiid waxaa loo sheegay in
Baydhabo la qabtay, waxaa uu yiri yaa qabtay ??? waxa loogu jawaabay
waxaa qabtay mujaahiiidnaBeesha Ceyrayaa qabtay !!!!!
oo xalay faqaagii ama showrkaadii ee aad kaga hadlaysay kaartada bay ayay
maqlayeen isla xalayba way ku duuleen, wixii magaalada yaalayna way soo
qateen Dad iyo Duunyaba way furteen, Ceydiid waa uu qayliyay waxaa uu yiri war yaa usheegay Ceyr in aan
ku duulayno Baydhabo, isagoo layaaban ayuu Badhabo tagay. War iyo dhamaan baydhabo waxay hadana dib ugu noqotay ceelkii ay
ka soo baxday ee ay Dunidu ka soo saartay , xaalku waa Bariga Dhexe
dadkii waxay noqdeen qaar la dhaco qaar lakufsado qaar la dilo, waa bas iyo baa
ba’ halaag aan caadi ahayn ayaa ka dhacay markale Baydhabo. Hadal haynta ugu badan waxay ahayd dhibaata dadka haysatay ee boobka iyo
dhaca iyo dilka ay ku hayeen dadkii ku soo duulay qaasatan beesha Ceyr, waxaana
u sii dheeraa dhibaato kale oo rabaani ah waxaa ka dilaacay magaalada CudurkaCagaariyoowgaama
(Jaundice)Cagaarishowgaoo faro ba’n dadka ku
hayay qofkii Geeriyoodaba waxaa loo qiyaasayay in uu udhintay Cagaariyoow ama
Cery ay dileen labadaa Cudur ayaa dadku wel-wel ku hayay, ee kala ahaaCery
& Cagaarishowoo laga wada ducaysanjiray marka aad masaajidada
Baydhabo gasho waxaa lagu duceeysan jiray ILaahayoow waxaan kaa magan galnayCeyr
iyo Cagaarishowoo ahaa labo dilaa qof walbana uu ka duceeysanjiray. Iyadoo lawada Sugayay warka BBC da ayaa waxaa lagaraaray 5:00 galanimo
ayaaBBC Somaliwarkeedii soo galay ee arinta Baydhabo
qabsashadeeda iyo dhibaatada ka dhacaday in lagu soo qaadanayo ayay dadka oo
dhan wada sugayeen, Nasiib daro cid ka hadashay haba yaraatee majirin, warka
BBC markuu dhamaad ku dhawaa ayaa waxaa la yiri war hada nasoo gaaray
ciidamado USC/SNA ayaa gacanta ku dhigay Magaalada Baydhabo, iyadoo uusan
wax dhiig ah uusan ku daadan ayay la wareegeen Magaalada Baydhabo
waxaana loo magacaabay Magaalada maamul cusub. waa goor intii la Dili karo la Dilay intii la kufsan karo la kufsaday,
lakiin sida warka loo dhigay ama loo aqriyay waxa uu ahaa war cusub oo
hada soo dhacay in magaalada hada laqabsadayna laga dhigay, qabsashada Baydhabo
iyo xasuuqeedaba waxaa ka soo wareegtay 18 saacadood in ka badan. Dadkii dhagaysanaayay BBC Afka ayay gacanta wada saarteen,sida
yaabka leh ee uu Tifatireyuusuf GaraadDagaalka u
farsameeyay waa arin mucjiso dadka oo dhan kuwada noqotay Galabkaas. Talyaanigu waxaa uu yiraahdaa propaganda mesa wera Dicaayadu waa
Dagaalka barkiis waxaa galabkaasi loo wada qiray Yuusuf Garaad in
uu Dagaal kaasi uu qayb ka ahaa, xasuuqaas dhacayna uu qariyay, uuna
ogaa ugu yaraana raalina ka ahaa isagoo awooda BBC gacanta ay ugu
jirtay, barnaamijkaas weli gacanta ayaa lagu hayaa oo waqtiga ayaa
la suganayaa haduu rabi idmo. Aqristoow Dadka Reer Baydhabo masaajida ayay ku soo urureen iyagoo
musibadaan cusub ee Beesha Ceyr ee garab cad ka heshay BBC uuna sababtaas lahaa
Yuusuf Garaad. Yuusuf dadkii lagu laayay Bay & bakool waa uu qariyay
waana dad Somaaliyeed ee muslimiin ah, isaga oo soo
diyaariyay qoraalo iyo faalooyin iyo warar Been abuur ah oo
habaysan, qofkii dhagastana uu ku qancaayo lakiin xaqiidu sidaas
ma’ahan ee inta wax fahanto way ka dharagsanyihiin in uu qayb ka ahaa
dhulboobkii burburkii iyo dhibkii shalay dhacay Barnaamijyadii ugu yaabka badnaa adib xasuuso aqristoow dagaalkii
udhaxeeyay Maxkamada iyo Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxa uu ka ahaa ninka
kaliya ee sida cad udagaalamay wuuna ka qayb galay si toos ah intii
fahantay way fahantay Dadka Gobolka shabeelada hoose dulmigii indhacde ee xasuuqa shacabka
shebeelada hoose wuu ka qaybqaatay wuxuuna garab ku siiyay in uu gobolkaas xoog
kujoogo indhace ee beeshiisa ah,Garab buuna ku siiyay waad wada ogtihiin sida
cilmiyaysan ee uu ugu xaaray Gobolka Shabeelada hoose. Dowladii Ra isul wasaare Farmaajo waxa uu ku qaaday dagaal aan caadi
ahayn xili Farmaajo albaabka xafiiskiisu ay fadhiyeen AL-shabaab lakiin
yuusuf dagaal joogto ah ayuu ku hayay Dowladii Farmaajo. Dowladihii soo maray somaaliya waxa uu ku qaaday dagaal saxaafadeed
Dowladii Cali Geedi, Tii Omar Abdi rashiid, Tii ugu danbeeysay ee Midnimo Qaran
ee Cabdi wali waxa uu ku qaaday weerar cir iyo dhul ah isagoo farsamooyin
badan lagalay dagaal saxaafadeedna ku riday. Yuusuf wixii dhib ka dhacay somaaliya waxa uu ka ahaa Afku dhiigle oo si
yaab leh ayuu ugu jiray inta uulul cilmiga ahna way fahimi karaan. Shalay yuusuf sidaas ayuu ahaa oo dhibkii dhacay qayb weyn
ayuu ka ahaa isagoo adeegsanaya qaab farsameedkiisa lakiin inta
barnaamijyadaas habaysan fahmi karto ayaa aad uyareeyd xiligaasi, wararkaasi
been abuurka ah yuusuf ayaa soo diyaariyay.Yuusuf shalay sidaas ayuu ahaa
xasuuqyadii Bay,Shabeelaha Hoose.Muqdisho intaba wuu ka qaybqaatay si toos iyo
si dadbanba Yuusuf shalay sidaas ayuu ahaa Maanta waa sidee xaalkiisa la soco
qormada xigto aan ku lafa guridoonoYuusuf Garaad maantala socosho
wacan W/Q H,A,MOHAMED adkeeste@hotmail.com |