Siyaasiga Yuusuf Gaarad Cumar Oo Si Wadag Ugu Hadlay Qilaafka Maamulka Jubaland State Iyo Dowlada Dhexe

  Friday August 16, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Siyaasiga Yuusuf Gaarad Cumar Oo Si Wadag Ugu Hadlay Qilaafka Maamulka Jubaland State Iyo Dowlada Dhexe

Magaalada Addis Ababa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku kulmaan Madax matalaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax ka socda Maamulka Jubba ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo.

Waxay labada dhinacba u tahay fursad ay uga gudbi karaan ismari waaga hadda taagan oo aan Soomaali dani ugu jirin.

Ma ogi in labada dhinac midkood ama labadaba ay wax iska beddeleen mowqifyadoodii hore oo ay hadda diyaar u yihiin tanaasul. Laakiin culeyksa labada dhinacba haysta marka la fiiriyo rajo ayaa iiga muuqata in ay gaari karaan heshiis.

Dowladda Federaalka waxaa cod gaaban iyo mid dheerba loogu sheegay in aan Dowlad kale iyo maamul goboleed midkoodna ku haysan dalkeeda. In diyaar loola yahay in Dekedda iyo Gegida dayaaradaha lagu wareejinayo. In iyada looga dambeynayo xal u helidda mushkiladda.

Laakiin xaaladda guduhu sidaa wey ka duwan tahay. Magaalada waa lagu dagaallamay, waxayna gacanta u gashay kooxdii ay dowladda kala ra’yiga duwaanaayeen. Heshiis lagama gaarin dagaalkii. Markaa ma muuqato si ay dowladdu isaga soo magacaabi karto Maareeyayaal aan taageero ka haysan degaanka.

Markaa wixii ay dowladdu dalbatay oo ahaa in kaabadahaas dhaqaale lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ku guuleysatay in laga oggolaado, ayaa hadda xujo ku noqonaya haddaysan heshiis la gaarin ciidanka magaalada fadhiya ee Soomaalida ah iyo Madaxdooda.

Dhinaca Kismaayo waxaa hor yaalla in Shirkii muddada dheer socday, ee ergooyinka boqollaalka ahi ay ka qeyb galeen natiijada keliya ee ilaa iyo hadda laga hayaa ay tahay in lagu dhawaaqay magaca Jubbaland iyo in Madaxweyne loo doortay.

Laakiin Madaxweynaha waxaa u suurta geli la’ in uu soo dhiso maamul buuxa. Xitaa isaga xaflad caleema saar ah looma dhigin. Waxaa uga darnaaday oo xujo ku noqday, dagaal, dacwadda iyo wadahadalka kala dhexeeya Dowladda Federeaalka ah.

Waxaa intaa dheer in labada dhinacba ay khibrad qiimo badan ku kacday ay ka heleen dadkii dagaalka Kismaayo ku dhintay oo labada dhinacba ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Markaa labada dhinacba waxaa cad in ay isu baahan yihiin in ay hore u tallaabsadaan, tallaabada koowaadna ay tahay in ay gaaraan is af garad.

Haddii wadahadalku qabsoomo, waxaan rajeynayaa in kulanka la filayo in uu ka dhaco Addis Ababa uu noqdo mid baajiya dhiig dambe oo ku daata Kismaayo. Mid maamul goboleedka Jubba u suurta geliya in uu dhammaystirmo noqdana mid bulshada degaanka Jubbooyinku ay raalli ka yihiin. Inteenna kale ee daneyneysana noo suurta geliya in aan u dalxiis tegi karno dhulka iyo xeebaha quruxda badan ee Waamo.

Mid dowaldda Federaalka u gacan banneeya in ay culeyska saarto ammaanka Muqdisho, iska caabbinta Shabaab oo dhaallatus ka bixi la', dhammaystirka u diyaar garowga shirka Brussels iyo kan New York iyo in ay wada xaajood la furto Puntland, si looga gudbo khilaafka meeshii uu gaari karay gaaray ee kala dhexeeya Garowe, loona meel mariyo isku shaandheynta saacaddii kow iyo tobnaad lala noqday ee lagu sameyn lahaa Golaha Wasiirrada.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS