Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Gal-mudug oo lagu soo dhaweeyay Koofur Africa”Sawirro”

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta maamul goboleedka Gal-mudug Axmad Dubbedd Cali ayaa waxaa uu gaaray magaalada cape town ee wadanka koofur afrika waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Cape town si weyn ugu soo dhaweeyay jaaliyada Gal-mudug .

Wasiirka ayaa waxaa uu garoonka kula hadlay jaaliyadda waxa uuna warbixin kooban ka bixiyay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Galmudug sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu salaan uu madaxda galmudug ka weday gudoonsiiyay jaaliyada waxaa uuna yiri. Waxaan salaan idinkaga wadaa madaxweyne abdikariin ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

Intaas kadib qaar kamida masuuliyiintii horkacaysay jaaliyada ayaa waxa ay wasiirka ku soo dhaweeyeen magaalada cape town iyagoo dhankooda uga warbixiyay wasiirka xaalada soomaaliyeed ee koofur afrika waxaana ugu horeyn hadlka qaatay abdi salaam juxa iyo gudoomiyaha somali community board muuse muude afraax.

Ka dib markii ay soo idlaatay salaantii iyo is aqbaarsigii wasiirka iyo jaaliyada ayaa waxaa wasiirka loo gelbiyay hotelkii la dejiyay waxaana lagu balamay in jaaliyadu ay munaasabad weyn u qabandoonto wasiirka si ay fursad ugu helaan shacabka intiisa kale la kulanka wasiirka.

1234578

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS