Gabar Soomaaliyeed oo loogu magac daray Garoon kubada Cagta lagu ciyaaro oo kuyaala Talyaaniga

  Wednesday January 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Garoon lagu ciyaaro kubada cagta oo kuyaala Magaalada Milaano ee Dalka Talyaaniga ayaa loogu magac daray Gabar Oradyahanad Soomaaliyeed ah oo ku geeriyootay biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Liibiya xili ay Yurub u tahriibeysay.

Garoonkan kuyaala Magaalada Milaano ayaa loogu magac daray Saamiya Yuusuf Cumar, oo aheed Gabar Oradyahanad Soomaaliyeed ah oo bishii April ee sanadkii 2012-kii ku geeriyootay badda Medhitareeniyaanka ee u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga.



Saamiya ayaa dooneysay in Qaarada Yurub ka hesho nolol ka wanaagsan tan Soomaaliya ayna hormariso xirfaddeeda orodka, hasa ahaatee gabadhan ayaa ugu dambeyn ku geeriyootay Badda xili aysan riyadeeda u rumoobin.


Buug uu qoray Nin Talyaani ah oo ku saabsanaa nolosha iyo Taariikhda Saamiya Yuusuf Cumar, ayaa sabab u noqday in ay dad badan bartaan, buugan ayaana noqday mid si weyn looga iibsaday dalka Talyaaniga.

Saamiya Yuusuf Cumar, oo aheed Gabar Oradyahnad ah ayaa Qaranka Soomaaliya u matashay ciyaarihii Olombikada ee sanadkii 2008-dii lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimadda Dalka China.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS