![]() |
Gabar Soomaaliyeed oo loogu magac daray Garoon kubada Cagta lagu ciyaaro oo kuyaala Talyaaniga
Wednesday January 06, 2016 - 19:17:16
![]() Garoonkan kuyaala Magaalada Milaano ayaa loogu magac daray Saamiya Yuusuf Cumar, oo aheed Gabar Oradyahanad Soomaaliyeed ah oo bishii April ee sanadkii 2012-kii ku geeriyootay badda Medhitareeniyaanka ee u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga. ![]() Saamiya ayaa dooneysay in Qaarada Yurub ka hesho nolol ka wanaagsan tan Soomaaliya ayna hormariso xirfaddeeda orodka, hasa ahaatee gabadhan ayaa ugu dambeyn ku geeriyootay Badda xili aysan riyadeeda u rumoobin. Buug uu qoray Nin Talyaani ah oo ku saabsanaa nolosha iyo Taariikhda Saamiya Yuusuf Cumar, ayaa sabab u noqday in ay dad badan bartaan, buugan ayaana noqday mid si weyn looga iibsaday dalka Talyaaniga. Saamiya Yuusuf Cumar, oo aheed Gabar Oradyahnad ah ayaa Qaranka Soomaaliya u matashay ciyaarihii Olombikada ee sanadkii 2008-dii lagu qabtay magaalada Beijing ee caasimadda Dalka China.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar |