Guddoomiye jawaahir” Mawanaagsana in Dumarka Nadaafadda loogu yeero Malaamilay”

  Wednesday December 23, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir baarqab oo ka qayb galaysay barnaamijka haweenka ee ka baxa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Wanaagsanayn in Ummadda Soomaaliyeed ay ugu yeeraan Dumarka ka shaqeeya Ololaha Bilic soo celinta Gobolka Banaadir Malaamilay,iyadoo ku baaqday in la joojiyo Hadalkaas.

“Waxaa jira Gabdho ka shaqeeya Nadaafadda oo ku shaqeeya lacag la’aan marka waa Mamnuuc , ilamana wanaagsana in loogu yeero Malaamilay, ha loogu yeero Haweenka Naftood hurayaasha ah, waayoo xaq uma laha in lagu tilmaamo eray aan Wanaagsanayn” Ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Dhanka kale Guddoomiye Jawaahir ayaa Amman u soo jeedisay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Waaxda Radio Muqdisho Codka jamhuuriyadda, iyadoo kula Dar-daarantah inay xoojiyaan Howsha adag oo ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

“ Waxa ay ka mid tahay Radio Muqdisho Idaacadaha ugu Dhageysiga badan Soomaaliya, waana ku ammaanayaa howshaas ay bulshada Soomaliyeed u hayaan guul Ayaan u rajaynayaa” Ayey markale tiri Jawaahir baarqab.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa ay wadeen Dadaallo dib dalka loogu soo celinayo hanaankii iyo kala dambeyntii uu lahaa, iyagoo kaashanaya Madaxda Sare ee Dowladda.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS