Shir ku saabsan wacyi gelinta bulshada oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulan looga hadlayay sida lagu xoojin karo wacyi gelinta bulshada, isla markaana ay taabo gelineyso Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ayaa maanta ka furmay Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ku-xigeenada guddoomiyaha gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, xubno ka socday Ururka Haweenka Qaranka, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Hay’adda Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo furay shirka ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid looga tashanayo sidii wacyi gelin guud loogu sameyn lahaa bulshada ku dhaqan caasimadda, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayna gacan ka geystaan bilic soo celinta caasimadda.

Xoghayaha joogtada ah Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah Mudane Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in u jeedkan kulanka uu yahay sidii bulshada loo bari lahaa hanaanka loo marayo dhismaha golaha deegaanka, maadaama ay meel wanaagsan marayan dhismaha dowlad goboleedyada, isla markaana xoogga la saaro sidii lagu heli lahaa gole deegaan oo u adeega bulshada.

Mashruucaan oo socon doona muddo hal sano ah ayaa ujeedkiisu yahay in Ummadda Soomaaliyeed lagu baraarujiyo in ay Aayaha Wadankooda ka qeyb qaataan, talona ay ku yeeshaan, waxaa sidoo kale Mudada uu socdo la gaarsiin doonaa Dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobollada kale ee Dalka.

IMG_0245IMG_0247IMG_0254IMG_0256IMG_0258IMG_0259IMG_0262IMG_0264IMG_0266IMG_0268IMG_0271IMG_0274IMG_0275IMG_0278IMG_0281IMG_0283IMG_0284IMG_0286IMG_0289IMG_0296IMG_0297IMG_0298IMG_0299IMG_0308IMG_0312IMG_0318IMG_0323IMG_0327IMG_0335IMG_0337IMG_0339IMG_0341IMG_0343IMG_0350IMG_0352IMG_0360IMG_0362

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS