Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo kulamo kula leh qaybaha Bulshada magaalada B/weyne

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiekh Max’uud oo shalay socdaal shaqo ku tagay Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa tan iyo maanta waxa kulamo la leeyahay qaybaha Bulshada, sida Odayaasha, Waxgaraddka, Culumada, iyo Siyaasiyiin,

Waxaana kulamadaas looga haddlayaa arrimo la xiriira dhismaha Maamulka loo samaynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada kaas oo ay Dowladdu cilaamisay in shirarkooda ay ka dhici doonaan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud la yeelanaya Odayaasha iyo Waxgaraddka Beelaha gobolkaasi si uu uga qanciyo haddii ay jiraan tabashooyin la xiriira hababka maamulka loo samaynayo,

Isagoo Madaxweynahu uu mid mid u dhagaysanaayo tabashooyinka ay qabaan Beelaha qaarkood kuwaas oo ku aadan maamulka la filayo in loo sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe,

Mana jiraan ilaa hadda faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxay kulamada uu Madaxweynaha la leeyahay qaybaha Bulshada Magaalada B/weyne, waxaana la filayaa marka ay soo idlaadaan in warbaahinta loo soo guddbiyo waxyaabaha ka soo gabaxa.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS