Fahamka nidaamka Federaalka ah oo laga hadlay “SAWIRRO”

  Monday December 21, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulan looga hadlayay fahanka Nidaamka Federaalka ay ka qabaan Ummadda Soomaaliyeed iyo sida nidaamkan looga shaqeyn lahaa horumarintiisa ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ahaa mid looga tashanayay fahanka Federaalka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday xafiiyada Madaxweynaha, Afhayeenka Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaaraha, qaar ka mid ah Wasaaradda dowladda, Guddiyada Madaxa banaan ee Xaduudaha, dorashooyinka, xubno ka socday Hay’adda horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay UNDP iyo kuwa kale.

Kulanka ayaa inta uu socday waxa ay ka qeyb galayaasha isku dhaafsadeen aragtiyo ku aadan hanaanka federaalka ah iyo in la joogteeyo sida bulshada lagu fahamsiin karo federaalka ay dowladda Soomaaliya qaadatay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan xaduudaha iyo Federalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in kulanka uu fursad u siinayo in bulshada ay wax badan ka fahmaan nidaamka Federaalka ah ee ay dowladda hirgelineyso, gobollada qaarna laga hirgeliyay.

DSC00349DSC00379DSC00380IMG_8253IMG_8263IMG_8265IMG_8266IMG_8267IMG_8268IMG_8270IMG_8273IMG_8274IMG_8277IMG_8278IMG_8282IMG_8285IMG_8287IMG_8290IMG_8292IMG_8293IMG_8296IMG_8297IMG_8301

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS