Qurbo joogta oo loogu baaqay in dhallinta ay ka wacyigeliyaan afkaarta qaldan Al-Shabaab

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Taliska hay’adda Nabad sugidda Qaranka ayaa ugu baaqay qurbo joogta Soomaaliyeed inay wacyigelin siiyaan dhallinta Qurbaha ku nool ee ay marin habaabinayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa ugu badan ee falalka Qaraxyada ah ka geysta gudaha dalka.

Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka hadlay shirka dhallinyarada ayaa sheegay in dhallinyarada ay door weyn ku leeyihiin amniga dalka, isla markaana macluumaadka ay heyaan ay tilmaameyso in dhallinta ugu badan ee isqarxinaysa ay ka yimadaan dalka dibadiisa, isagoo culimada iyo waxgaradka ugu baaqay in dhallinyarada ilgaar ah lagu eego oo la siiyo wacyi gelin badan.

“Dhallinyarada Qrubaha ka timid waa kuwa ugu badan ee is qarxinaya, marka aabayasha ee lacagaha u aruurinayo ee argagixisada u soo diraya ka hortagga oo diida, dhalinta la soo qaldayo ha u ogolaanina in lagu shubto fikirka qaldan, waxaan idin rajeynayaa guul, waxaana idin rajeynayaa in shirka ay ka soo baxaan go’aanno wax u taraya mustaqbalkiina ah” ayuu yiri Taliye Cabdiraxmaan Tuuryare.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS