5 ka mid ah Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Deegaanno hoosyimaada Owdhiigle

  Tuesday December 22, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal kula wareegay Tuulooyin Hoostaga degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu dilay 5 ka mid ah Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab, iyadoo ciidamadu ay ku fideen tuulooyin hoos Taga degmada Owdhiigle ee gobolka shabeellaha hoose.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkaan uu ka mid yahay kuwo ay ugu tala galeen in shabaab looga saaro deegaannada iyo tuulooyinka ay Gobolka uga Suganyihiin.

Sadex ka mid ah tuulooyin Hoostaga Degmada Owdhiigle ayuu sheegay Afhayeenku in ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, isagoo sheegay inay dar-dar galin doonaan Howlgallada shabaab looga saarayo deegaannadaas.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS