UN oo welwel ka Muujisay Baarista Shidaalka Somalia

  Friday July 19, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
UN oo welwel ka Muujisay Baarista Shidaalka Somalia
Wadamada reer galbeedka shirkadahooda shidaalka oo damacsan iney baaris ka sameeyaan deegaanada leysku haysto ee Somalia aya sababi kara isku-dhacyo dagaal ee cusub, sidaas waxaa ka digey warbixin UN oo aan weli la shaacin.
Warbixintaan oo sanadle ah ayaa hay’ada qaramada midoobey u qabilsan ilaalinta cunaqabateynta saaran wadamada Somalia iyo Eritrea ku xuseen khubarada qortey qoraalkaan in Dastuurka Somalia uu xornimo buuxda siinayo maamulada in heshiisyo la gali karaan shirkadaha caalamka ee baara shidaalka.
Wadanka Somalia ayaan Barlamankiisu weli sharci shidaal ” petroleum law” la horkeenin iyadoo saraakiisha xukuumada Xasan Shiikh aaminsantahay iney awood u leeyihiin qaybinta khayraadka dalka.
“Wada socod la’aantaan, iyadoo aan la xalin, waxa ay sababi kartaa in dagaal siyaasadeed dhexmaro dowlada Federaalka ah iyo maamul goboleedyada Somalia, taasoo cirka ku shareeri karta kala qaybsanaanta qabiilka kadibna khatar galin karta nabadda iyo xasiloonida dalka”, sidaas waxaa lagu xusey warbixintan aan la shaacin ee UN-ka.
Shirkado badan, kuwaasoo ah kuwa shidaalada baara ee ugu weyn caalamka ayaa heshiisyo la galey dowladii Maxamad Siyaad Barre intii ka horeysay 1991 halka kuwa kale waqtigaan la joogo fasaxyo baaritaano ka haystaan qaybo ka tirsan dhulkooda maamulada Puntland iyo Somaliland.
Dhinaca kale warbixintaan ayaa xustey in meelaha qaarkood degaamo isku mid ah in baaritaano laga sameeyo fasaxyo u siiyeen shirkadaha shidaalka baara maamulada Puntland iyo Somaliland. Khubarada qoraalkaan UN-ka ayaa xustey in arintaan ku lug leeyihiin labada shirkadood ee la kala yiraahdo DNO iyo Africal Oil kuwaasoo laga leeyahay wadamada Norway iyo Canada/Sweden.
” Waxaa suurtagal balaaran ah, baaritaanada shirkadaha DNO iyo African Oil qorsheynayaan in ay ka sameeyaan degaamadaan ay suurgal tahay iney iska-horimaadyo ka dhex abuurto maamulada Puntland iyo Somaliland.” ayaa warbixintaan oo qaybo ka tirsan saxaafada qaarkeed arkeen lagu xusey.
” Waa wax laga wel-welo, in ciidamada labada maamul fooda isku daraan dano dhaqaale oo ay leeyihiin shirkada reer galbeed ah.” ayaa qoraalkaan oo golaha amaanka la horgeynayo bisha July gudaheeda lagu tilmaamey.
” Hadii laga eego dhinaca kale, ku lug lahaanshaha shirkado laga leeyahay wadanka Norway iyo Canada/Sweden, ayaa ah wax laga naxo, iyadoo la eegayo kaalinta labadaan wadan ka qaateen nabadeynta Somalia waqtigii dagaalka sokeeye.” ayey sheegeen xeeldheerayaashaan.
Xogtaan ayaa sidoo kale lagu xusey sida dowlada Norway ugu mashquulsantahay shidaalka la damacsan yahay in laga baaro badweynta hindiya ee u dhexeysa wadamada Kenya iyo Somalia, taasoo sababtey in shirkadahaas u qorsheyaan 30 milyan oo dolar in dowlada Xasan Sheekh lagu laaluusho in xuduud badeed cusub laga sameeyo labada wadan.
Warbixinta UN-ta ayaa ugu dambeyntii kusoo beegantey maalmo kadib markii magaalada Hargeysa heshiis kula sixiixdeen mamulka Silaanyo labadaan shirkadood ee lagu xusey qoraalkaan.
Source:Warmoley

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS