Mid ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo xalay lagu dilay Beledweyne

  Saturday July 21, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Mid ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada oo xalay lagu dilay Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay lagu dilay nin lagu magacaabayay Cabi Cali Gareen oo ka mid ahaa Ergadii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Hirshabeelle.

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay ninkaas ku dileen goob ganacsi uu ku lahaa mid ka mid ah xaafadaha Beledweyne, iyagoo goobta ka baxsaday ragga dilka geystay.

Ciidamada ammaanka Beledweyn ayaa la sheegay in wadaan baadigoobka kooxihii dilak ka dambeeyay, waxaana ka socda xaafadaha magaalada howl gallo baaritaano ah.

Dilalka loo geysto ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, waxaana dilalka ka dambeysay Al-Shabaab.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS