qaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada goballada Shabeelaha-Hoose iyo Benaadir oo Maanta Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday

  Saturday July 21, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
qaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada goballada Shabeelaha-Hoose iyo Benaadir oo Maanta Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday

Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada afo’e ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad ee ciidamada qalabka sida G, sare xasan cali nuur suute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.

Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa

17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha weydiisteen in loo ogolaado Maxkamadda in ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa eedeysanah, markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee degmada afgo’e ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

Sharaxaadda baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle abuukar weli oo ka tirsan ciidamada amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay goballada bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah.

Kabtan Muumin xuseen cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guuud ee ciidamada qlabka sida ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh oo ah muuqaallo laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Kaptan Maxamed cabduqaadir ayaa ka codsaday maxkmadda maadamaa eedeysanaha muddo uu ku qanacsanaa dadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay ay ku fuliso maxkamddda.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo.

Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay eey u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayeen isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.

Guddoomiyaha Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qlaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS