Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

  Saturday February 03, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa cusub, Dhankiisa, Mr. Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta.

Duqa Muqdisho iyo safiirka ayaa isku afgartay muhimadda uu leeyahay amniga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay ka mid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore bur-bur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakacayaasha ah in loo sameeyo isbitaallo yar-yar iyo goobo waxbarasho.

Sidoo kale waxaa kulanka la iskula soo qaaday arrimaha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.

Waxaa ay labada mas’uul isla garteen xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Maamulka Gobolka Benaadir iyo in ay ka go’antahay in ay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS