Dhageyso:-Cabduqaadir Axmed oo Loo Yaqaano Chief Sagaareey Ayaa Tacsi u Diray Fanaanaddii Weynayd Khadiijo Cabdulaahi Dalees

  Thursday January 18, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Cabduqaadir Axmed oo Loo Yaqaano Chief Sagaareey Ayaa Tacsi u Diray Fanaanaddii Weynayd Khadiijo Cabdulaahi Dalees

Cabduqaadir Axmed oo loo yaqaano Chief Sagaareey ayaa tacsi u diray Fanaanaddii weynayd Khadiijo Cabdulaahi Dalees oo dhowaan ku geeriyootay Dalka Canada.
Waxaa uu Mr. Chief Sagaareey ku tilmaamay Fanaanadda qof Taariikh iyo magac dheer ku lahayd Gobolada Alta Jubba oo ay fanaandda ku dhalatay.


Waxaa kaloo aqoonyahanka uu ku tilmaamay in ay door weyn ka qaadatay horumarinta Fanka iyo lahjadda Maay Maayga oo ay fanaanadda heeso badan ku qaaday.
Toban Sano iyo dheeraad ayuu Sheegay aqoonyahan Cabduqaadir Axmed Chief Sagaareey in uu fanaadda isku dhowaayeen oo ay ka mid ahayd qubaradii dadaalka badan galiyay ereybixinta iyo qoraalka

Lahjadda Maayga taasoo ay ka geeriyootay Fanaanadda iyadoo uu meel fiican uu marayo qorista Afka Maayga oo ay Fanaanadda ku lahayd kaalin iyo door lama iloobaan ah oo bahda qalinlayda Afka Maayga ku tabi doonaan Allaha u naxariistee Marxuumad Khadiijo Cabdulaahi Dalees.

Ilaaheey Janadii Fardoowso haka waraabiyee.



NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS