Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay oo maanta booqatay magaalada Jowhar

  Thursday January 18, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay oo maanta booqatay magaalada Jowhar

Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay ayaa maanta booqatay magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle iyagoo kulamo la yeeshay madaxda Hirshabelle iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala magaalada Jowhar.
Ku simaha Madaxweynaha Hirshabelle,ahna Madaxweyen Ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa wafdigan oo ah sarkaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay Maamul goboleedka Hirshabelle Benjamin waxayna ka wadahadleen xaalada bani’aadanimo ee ka jirta Hirshabelle.

Cali Cabdulaahi Xuseen”Cali Guudlaawe”Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ugaga waramay wafdiga ka socday qaramada midoobay xaalada nololeed ee ka jirta Hirshabelle, waxana uu xusay in lagu jiro xilli jiilaal ah qoysas badan oo ku barakacay gudaha Hirshabelle ay ku nool yihiin ayna u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.

Kulanka kadib ayaa wafdiga ka socday Qaramada Midoobay waxa ay wadahadal la yeesheen madaxda hay’adaha wadaniga iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala magaalada Jowhar waxayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa u gargaarida bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan gaar ahaan xilliga jilaalka ah.

Sarkaalka ku qaabilsan Qaramada Midoobay Mr Benjamin ayaa booqday xaruntii hore ee hay’ada Unicef ku lahayd magaalada Jowhar halkaa oo toban sano kahor ahayd xaruntii ugu weyneyd ee haya’da Unicef ku lahayd koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen,Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Caadle iyo wasiiro iyo xildhibaano ayaa ku weheliyay sarkaalkan booqashada xaruntan iyagoo ku soo wareegay dhismayaasha ay ka koobneyd kuwaasoo burbur uu ka muuqday. Mas’uuliyiinta ayaa waxay u mahadceliyeen ilaaladii hore u joogtay xarunta oo illaa iyo hadda si mutadawacnimo ah u ilaaliya xaruntan.

Booqashada sarkaalka ka socday Qaramada Midoobay uu maanta ku tegey magaalada Jowhar ayaa imanaysa maalin kadib markii ay Qaramada Midoobay sheegtay in kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS