DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Dhuusamareb Loogu Soo Dhaweyey & Hadal Adeg uu Kaga Dhawaqay

  Wednesday January 17, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweyne Farmaajo Oo Dhuusamareb Loogu Soo Dhaweyey & Hadal Adeg uu Kaga Dhawaqay

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo xubno kale.

Banaanka magaalada waxaa Madaxweynaha uga hortagay masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi (Waare), oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb, Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,xubnaha labada Golle ee Galmudug iyo dadweyne fara badan oo Haween iyo caruur u badan.

Halkan Hoose Ka Daawo:

Madaxweynaha oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyntiisa ka mahadceliyay, wuxuuna sheegay shacabka Dhuusa-mareeb in ay yihiin kuwo jecel nabada iyo hormarka, isaga oo balan qaaday in Dowladda Federaalka ay si dhow ula shaqeyn doonto.

Magaalada Dhuusa-mareeb oo si aad ah loo diyaariyay ayaa Madaxweynaha lagu soo dhaweeyay, waxaana wadooyinka qaarkood iyo Madaxtooyada cusub ee Galmudug-ba lagu dhajiyay Calanka Soomaaliya.

Dhuusa-mareeb oo martigelineysa wufuud kala duwan ayaa sidoo kale maanta waxaa gaaray qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.


Sida uu qorshaha yahay maalinta berri ah magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ka dhacaya shir weyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, Ciidamada ayaa sameeyay Howlgallo amni xaqiijin ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS